Dad hor leh oo loo xiray Dil arag lahaa oo dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo

Ciidamada amaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay dad lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dil argagax lahaa oo dhawaan magaalada Baydhabo loogu geestay labo caruur oo walaalo ah.

Meydadka caruurtan oo kala ahaa wiil iyo gabar ayaa laga helay duleedka magaalada Baydhabo iyada oo si xun toorey loogu dilay , waxa ayna ciidamada booliiska xiligaasi tuhunka dilkan u xireen haweeney uu horey u qabay aabaha caruurtan.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Xuseen Xasan (Joon) ayaa Warbaahinta u sheegay in dilka caruurtan loo xiray lix qof oo isugu jira afar rag ah iyo labo dumar ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in ay jiraan dad kale oo la tuhmayo oo ciidamada amaanka ku daba jiraan, isagoona tilmaamay in dadka dilkan lagu tuhmayo dilka si deg deg ah cadaalada loo horgeyn doono.

Magaalada Baydshabo 8-dii bishan waxaa ka dhacay dil aad looga naxay oo loo geestay wiil iyo gabar wada dhashay oo caruur ahaa, waxaana shacabka magaalada codsadeen in talaabo adag laga qaado dadkii falkaasi foosha xun ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -