Safaarada Mareykanka ee Magaalada Beirut oo la weeraray & baaritaan socda (Sawirro)

Laamaha ammaanka ee Lubnaan ayaa baaraya toogasho ka dhacday bannaanka safaaradda Mareykanka ee sida aadka ah loo ilaaliyo ee waqooyiga magaalada Beirut, sida ay saraakiishu sheegeen Ma jirto cid wax ku noqotay rasaasta lagu riday dhismaha safaarada.

Rasaasta ayaa ka dhacday meel u dhow albaabka xarunta safaaradda ee Beirut ee duleedka waqooyi bari. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda toogashada, lamana oga sababta ka dambeysay.

Toogashada ka dib, ciidamada Lubnaan ayaa qaaday tillaabooyin waxayna bilaabeen baaritaano ay ku jiraan muuqaalada kamaradaha ammaanka ee aagga.

Booliska Lubnaan ayaa ugu yaraan shan dalool ku calaamadiyay gidaarka ku xiga albaabka safaaradda. Tallaabooyin amni oo ka culus sidii hore ayaana dhaqan galay, balse lama xirin wadada hormarta safaarada.

“Ma jiraan wax dhaawacyo ah, xarunteenna waa ammaan,” afhayeenka safaaradda Mareykanka Jake Nelson ayaa yiri. “Waxaan xiriir dhow la leenahay mas’uuliyiinta fulinta sharciga dalka martida loo yahay.”

Madaxa xukuumadda ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan iyo wasiirkeeda arrimaha dibadda ayaa cambaareeyay toogashada.

Ra’iisul Wasaare Najib Mikati ayaa u yeeray madaxda hay’adaha ammaanka ee Lubnaan, wuxuuna ka codsaday inay daba galaan kuwii ka dambeeyay toogashada, ayna si cad u shaaciyaan natiijada baaritaankooda, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Abdallah Bouhabib ayaa la hadlay safiirka Maraykanka Dorothy Shea si uu ugu xaqiijiyo in Lubnaan ay ka go’an tahay ilaalinta ergada dublamaasiyadeed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka qaranka ee ay dawladdu maamusho.

Lubnaan waxay leedahay taariikh dheer oo weeraro ka dhan ah Maraykanka.

Weeraradii ugu khasaaraha badnaa ayaa dhacay bishii Oktoobar 1983-kii, markii gaari xamuul ah oo is-miidaamiyay uu gudaha u galay dhismo afar dabaq ah, halkaas oo uu ku dilay 241 askari oo Mareykan ah kuwaasoo ku sugnaa xerada ciidamada badda Mareykanka ee ku taal garoonka diyaaradaha ee Beirut.

Horaantii sanadkaas, April 18, 1983, weerar bambaano oo lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Beirut waxaa ku dhintay 63 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 17 Mareykan ah. Saraakiisha ugu sareysa CIA ayaa ka mid ah dadka dhintay. Saraakiisha Mareykanka ayaa ku eedeeyay kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iran ee Lubnaan.

Weerarkaas ka dib, safaaradda waxaa laga raray bartamaha Beirut, waxaana loo raray xaafadda Masiixiyiinta ee Aukar, ee waqooyiga caasimadda Lubnaan.

September 20, 1984, weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday dhismaha safaaradda ee Aukar, halkaas oo uu ku dilay naftiisa iyo 14 kale, taasoo keentay in safaaradda la xiro.

- Advertisement -