Mareykanka oo Xayiraad saaray Saraakiil ay ku eedeeyeen in halis ku yihiin Dimuquraadiyada

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in xayiraad dhinaca fiisaha ama dal ku galka Mareykanka kusoo rogeen saraakiil u dhalatay dalka Uganda ay ku eedeeyeen in ay faragalin ku sameeyeen nidaamka dimuquraadiuyada ee dalkaasi.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in xayiraada fiisaha kusoo rogeen saraakiil iyo masuuliyiin u dhashay Uganda uusan magacyadooda shaacin.

”Cawaaqib xumo ayaa ka dhalata faragelinta nidaamka dimuqraadiyadda. Laga bilaabo maanta, waxaan ku soo rogeynaa xayiraad fiiso kuwa ku lug leh duminta dimuqraadiyadda Uganda.” ayuu yiri Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka.

Saraakiidsha iyo masuuliyiinta kale ee Mareykanka xanibaada dhinaca fiisaha kusoo rogeen ayaa loo badinayaa in ay yihiin kuwa aad ugu dhaw Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani oo dhawaan mar kale dib loo doortay.

Dowlada Uganda ayaana lagu eedeeyay xiligii ay socdeen ololaha doorashada Madaxweynaha in ay xir xireen sidoo kale dhibaatooyin badan u geesteen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -