Sheekh Shariif iyo Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka ayaa sida aan wararka ku helnay looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdish ee ka dhalatay mudo kordhinta Xildhibaanada golaha shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Sida aan wararka ku helnay Sheekh Shariif ayaa ka dalbaday taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed in Ciidanka milatariga  aan loo adeegsan dano siyaasadeed iyo in lagu caburiyo dadka uu ku abtirsado taliyaha ee degan Muqdisho .

Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa la sheegay in Sheekh Shariif ku wargaliyay in uusan diyaar u aheyn in ciidanka loo adeegsado dano siyaasadeed iyo hirgalinta mudo kordhinta sharci darada ee dowlada sameesatay.

Madaxdii hore ee dalka ayaa bilaabay in ay la kulmaan madaxda dowlada Goboleedyada dalka iyo sidoo kale saraakiisha iyo masuulkiyiinta kale ee kasoo jeeda beesha Hawiye ee ku jira dowlada si ay uga digaan in ay horseed u noqon bur bur dalka ku yimaadana.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -