Dabley hubeysan oo dil iyo xarig loogu geystay degmooyin ka tirsan Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in shirkii Amniga caasimada Muqdisho caawa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray Ololaha la dagaalanka Burcada magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in nin burcad ah oo dhibaato ku hayey shacabka degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis uu Isbitaalka ku geeriyooday ka dib markii uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada amaanka oo doonayey iney qabtaan

“Sidoo kale waxaa la soo qabtay rag burcad kale ah oo la raadinayey, kuwaasoo laga soo kala qabtay degmooyinka Dharkeynley, Dayniile iyo Yaaqshiid oo uu ka mid yahay Cabaas Xasan Maxamed oo muddo la baadi goobayey” ayuu yiri duqa magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney sii wadayaan howlgalada ka dhan ah burcada, tuugada, argagaxisada iyo kooxaha mukhaadaraadka ka ganacsada.

“Waxaan uga digeynaa kuwa caadeystay inay nidaamka dowliga iyo awaamiirta ciidanka iska indhatiraan, Nidaam iyo dowladnimo baa na wada deeqa ee aan amniga caasimada ka wada shaqeyno” ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -