Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka soo horjeestay in xiligan ay wadahadalo yeeshaan maamulka Somaliland iyo dowlada Soomaaliya
Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanan la joogin xili la furo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland maadaama dhowr jeer ay fashilmeen wadahadaladaas.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuusan lahayn sharciyad uu ku metelo Somaliland, maadaama uu dhacay muddo xileedkiisii sharciga ahaa  sidaa awgeedna ay tahay in la sugo intalaga dooranayo hogaamiye sharci ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Somalia aysan ka jirin dowlad adag oo dhexe, uuna u qeybsan yahay dalka shan dowlad goboleed oo salka ku haya qabaa’il, Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe.
“Xassan Shiikh wax yar sanad buu joogaa xafiiska, arrimaha koonfur ka jira marka hore ha soo xaliyo inta uusan Somaliland soo hadal qaadin ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe.
Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyo Kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan ku wada sugan magaalada Jabuuti, waxaana jira warar sheegaya iney kulan yeelan doonaan inkastoo aan faahfaahin laga bixinin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com