Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw Xaafada Sarkuusta ee magaalada Muqdisho lagu dilay Gudoomiyihii degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Axmed sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Gudoomiyaha ayaa la sheegay in lagu dilay afaafka hore guri uu ka degnaa Xaafada Sarkuusta halkaas oo la sheegay in kooxo hubeesan ku gaadeen kadibna ku dileen, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday dableydii hubeesneed.

Sida aan wararka ku helnay Gudoomiyaha la dilay ayaan wadan wax ilaalo ah xiliga la dilayay , waxaana goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan dowlada oo baaritaano bilaabay.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -