Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay 

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday labo kamid ah Golihiisa Wasiirada isagoona magacaabay wasiiro cusub oo bedelaya kuwa xilka laga qaaday.

Lafta Gareen ayaa wasiirada uu xilka ka qaaday waxaa kamid ah Wasiirka Warfaafinta koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo mudo sanado badan ah xilkan hayay, waxa uuna Wasiirkan kamid ahaa xubnihii lasoo shaqeeyay Sahriif Xasan.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaana xilka Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed u magacaabay Ilyas Saciid Cali halka Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha u magacaabay Suleymaan Shuceyb cali.

halkan ka Akhriso wareegtada kasoo baxday Lafta Gareen

Related posts

Ciidamo cusub oo dhawaan la wareegaya amniga degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Video)

admin

Labo Nin oo Sannado badan u xirnaa dilkii halyey Malcom X oo Lacag Magdhaw ah la siinayo

Cabdi Cade

Kulan Su’aalo lagu weediinayay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---