Allbanaadir.com
NEWS

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo u duulay Mareykanka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Madaxa milatariga dalka Sudan ahna hoggaamiyaha talada dalkaasi haya Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambo baxay dalka Sudan ,iyaga oo kusii jeeda magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka.

Al-Burhan iyo wafdiga la socda ayaa magaalada New Yourk uga qeyb galaya Shirka 78-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaa oo shalay oo Talaado ah u furmay Madax  kala duwan oo ka kala socota dalalka Caalamka.

Madaxa golaha KMG ee haya talada Sudan Al-Burhan ayaa la filayaa in shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay khudabd ka jeediyo maalinta Jimcaha, waxa uuna khudbadiisa uga hadli doonaa xaalada dalka Sudan ,gaar ahaan colaada sukeeye ee ka aloosan dalkiisa.

Jeneraal Al-Burhan ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Mareykanka la kulmi doona madax kala duwan oo dalkaasi u tagtay ka qeyb galka shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxa uuna taageero u raadin doonaa dowladda Sudan uu hoggaamiyo.

Shirka 78-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo 26-ka bishan, waxaana shirka ka qeyb galaya in ka badan 140 hoggaamiye oo isugu jira madaxweynayaal iyo Ra’isul Wasaarayaal, kuwaa oo khudbado jeedin doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaflad dhiiragalin ah oo loo sameeyay Musharax C/raxmaan Macalin Xuseen

Caydiid Ali

Ahlu suna oo dalab culus hordhigtay Guddiga cusub ee doorashada Galmudug iyo..

admin

Ciidamada AMISOM oo rasaas khasaaro geesatay ku furay shacab banaan bax dhigayay

Cabdi Cade