Madaxweyne Biden oo fasaxay Mashruuc hub iyo diyaarado looga iibinayay Dowlad Carbeed

Madaxweynaha dowlada Mareykanka Joe Biden ayaa fasaxay mashruuc balaaran oo hub kala duwan looga iibinayo dowlada Imaaraadka Carabta, mashruucan ayuuna horey u hakiyay Madaxweynaha maalmo kadib markii la doortay.

Mashruucan oo dowlada Imaaraadka looga iibinayo diyaarado dagaal nuuca casriga ah ee  F35, diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones ,gantaalada cirka iyo hub kale oo casri ah ayaa waxaa ku baxaya lacag gaareysa 23 bilyan oo dollar.

Xukuumadii Madaxweyne Trump ayaana heshiiskan la gashay dowlada Imaaraadka Carabta kadib markii dowladaasi ogolaatay in heshiis la gasho Maamulka Isra’il dibna usoo celiso xiriirka diblumaasiyadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dowlada Maraykanka sheegtay in mashruucan la fasaxay go’aankaasna loo gudbiyey Kongareeska Maraykanka, kuwaa oo iyana go’aan kama dambeys ah ka gaari doona.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa in ay sare u qaado awooda ciidankooda, waxa ayna Imaaraadka mudooyinkii dambe ku mashquulsaneyd xoojinta ciidanka iyagoona soo iibsanayay hub kala duwan oo u badan kuwa casri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -