Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Muqdisho iyo cabsi lasoo daristay Shacabka

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay ah mid degan kadib jawi cabsi dagaal oo xalay magaalada laga dareemay, waxaana dad badan oo magaalada kunool xalay dareemeen cabsi xoogan oo qaarkood hurdada u diiday.

Qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafado katirsan degmada Hodan ayaa xalay waxaa soo gaaray ciidamo badan uu wato taliyihii hore ee booliiska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa aaga garoonka Aadan Cadde.

Ciidamada Saadaq Joon ayaana markii ay gaareen xaafada Shiirkole ay ku badan tahay beeshiisa ayaa mar qura halkaasi laga dareemay xiisad dagaal, waxaana xaafadaha ku dhaw dhaw Shiirkole ciidamo badan geesay dowlada taa oo keentay cabsi dagaal.

Siyaasiyiin ayaana xalay ku eedeeyay dowlada gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo in uu amray in la weeraro Saadaq Joon iyo ciidamada uu wato, waxa ayna masuuliyintan shacabka gaar ahaan kuwa beeshooda ugu baaqeen in ay difaacaan Saadaq Joon.

Dadaalo ay sameeyeen Raisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa wararku sheegayaan in xaalada lagu qaboojiyay loogana hortagay weerarka dowlada damacsaneed, waxaan ciidamada dowlada dib looga celiyya goobihii la geeyay.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan ay ka qabaan in magaalada dagaalo ka dhacaan, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda kaa oo abuuri kara colaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -