Puntland iyo Jubbaland oo qoraalo kooban kaga hadlay Muddo kordhinta heyadaha DF

Labada Maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa ka saoo horjeestay talaabada maanta xubnaha baarlamanka Somalia ay muddo kordhinta ugu sameeyeen heyadaha DF.

Xildhibaannada ayaa u codeeyay in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah taasoo muddo labo sano gudahood ah lagu qabanayo, taasoo ka dhigan in heyadaha dastuuriga ah ay sii shaqeyaan labada sano ee soo socota.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo qoraal kooban ku baahiyey baraaha bulshada ayaa sheegay in Puntland ay ka xuntahay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada golaha shacabka.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Sidoo kale qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa sharci daro ku tilmaamay talaabada muddo kordhinta ah ee uu qaaday baarlamanka.

“Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland.

Labada Maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa iney saacadaha soo socda soo saaraan qoraal ay ku cadeynayaan mowqifkooda rasmiga ah ee ku aadan muddo kordhinta iyo talaabada xigta ee ay qaadayaan, Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow labada Maamul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -