Allbanaadir.com
GALMUDUGMUQDISHONEWS

Galmudug oo beenisay qoraal caawa lagu faafiyey Warbaahinta dowlada Somalia

Maamulka Galmudug ayaa beeniyay qoraal lagu faafiyey warbaahinta DF oo ku saabsan War-saxafadeed wadajir ah oo ay soo saareen saddex maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu taageeray muddo kororsiga Madaxtooyada iyo Aqalka hoose ee Baarlamanka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa sheegay in warqadaan looga been Abuurtay Galmudug, isagoo yiri: “Warqaddaan wax ka jiro malahan, waa been abuur, mowqifka Galmudug ee ku aadan muddo kordhinta waa uu cad yahay, waxaana si adag shalay uga hadlay Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoorqoor). Dalka xaaladda uu ku jiro waxaa looga bixi karaa Doorasho in loo dareero, laguna kor hadlo hishiiskii 17Sep”.

Ma cadda in madaxda Galmudug isku raacsan yihiin arrintan, maadaama Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu sheegay habeen hore inuusan taageereynin muddo kororsi dalkuna uu doorasho aadayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://youtu.be/N-skUGrbkZA

Related posts

Shir Magaalada Muqdisho uga furmay dowlada Somalia iyo SDRF (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Shaaciyay in Rooble ku fashilmay Hogaaminta Doorashada Shirna iclaamiyay

Cabdi Cade

Guddi dhowaan lagu hor dhaariyey Farmaajo oo talaabadii ugu horeysay qaaday (Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---