Madaxweyne Musaveni oo dhaleeceeyay Gabadha ugu quruxda badan Qaarada Afrika

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa dhaleeceyn uu Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni hawada u mariyay gabadha ku guuleesatay quruxda Qaarada Afrika ee Quinn Abenakyo.

Qoraal uu Madaxweyne Musevani soo dhigay bogiisa Twitterka ayuu ku sheegay gabadha dhawaan Quruxda qaarada Afrika ku guuleesatay ee u dhalatay dalkaasi Uganda ay xiran tahay timo tabal caaro ah oo laga keenay Hindiya.

Madaxweynaha Uganda ayaa qoraalkiisa ku sheegay in gabadha qaaday quruxda Qaarada Afrika ee Quinn Abenakyo kula taliyay in quruxdeeda ay u dayso sideeda dabiiciga ah kuna kalsoonaato timaheeda ka turjumaya Afrikaanimada.

Qoraalka Madaxweyne Musevani ayaa qabsaday baraha bulshada gaar ahaan dadka reer Uganda ayaa si weyn uga dooday, waxa ayna dad badan ku taliyeen in gabadha xaq u leedahay in dookheeda loo dhaafo .

Gabadha Quruxda qaarada Afrika ku guuleesatay ee Quinn Abenakyo ayaa sheegtay in hadalka Madaxweynaha ku raacsan tahay in aan la adeegsan waxyaabo meelo kale laga keenay, balse xustay in muhiim tahay in qofka rabitaankiisa la tix galiyo.

” Qofna uma baahna in loo tilmaamo sida uu u labisanayo iyo waxa uu samaynayo. mar haddii aad ku qanacsan tahay waa intaas muhimaddu” Aey tiri Quinn Abenakyo oo Warbaahinta la hadahay.

Gabadhan u dhalatay dalka Uganda ayaa ku guuleesatay tartanka Quruxda Qaarada Afrika, waxa ayna gabadhan sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay noqoto gabadha ugu quruxda badan Qaarada Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -