Madaxweyne Caan ah oo wax ka badaley magaciisa hadal heyn badan oo ka dhalatay

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, ayaa wax ka badal ku sameeyay magaciisa rasmiga ah ee loo yaqaanay, waxa uuna Madaxweynaha hada magaciisa kusoo kordhiyay magac yaraantiisii loo bixiyay.

Madaxweynaha ayaana hada kusoo daray magaciisa ‘Tibuhaburwa’ oo micno ahaan marka la fasiro luqada ”Runyankore” noqoneysa “Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin” magacan ayaana ahaa mid ilmo nimadiisa Madaxweynaha loo bixiyay.

Sida uu shaaciyay Madaxweynaha dalka Uganda magaciisa rasmiga ah ayaa hada kadib noqonaya Yoweri Tibuhaburwa Kaguta Museveni, waana markii ugu horeesay uu shaaciyay magacan cusub oo yaraantiisi loogu yeeri jiray.

Sida uu muujinayo dokumenti dhanka sharciga ah oo lasoo saaray 6-dii bishan Oktoobar, in magacan ay hada baranayaan bulshada reer Uganda uu weligiisba ku qornaa shahaadooyinka waxbarasho ee madaxweynaha.

Baraha bulshada dalka Uganda ayuuna hadal heyn badan ka abuuray magacan cusub uu shaaciyay Madaxweynaha dalka Uganda, waxaana la isweediiyay waxa ay aheyd shaqada lataliyaasha Madaxweynaha markii uu go’aankan cusub gaarayay.

Shaacinta magacan cusub ee yaraantiisa loogu yeeri jiray Madaxweynaha Uganda ayaa kusoo aadeysa xilli guddiga doorashada Uganda ay ku dhawaaqeen in musharraxiinta u tartameyso doorashada 2021-ka laga doonayo in magacyadooda ay waafaqsan yihiin kuwa ku qoran shahaadooyinka waxbarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -