Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tahriibe doonayay in uu dabaal ku galo dalka Britain oo meydkiisa la helay

Nin u dhashay dalka Ciraaq oo qaabilaad qaxootinimo ka waayay dalka Jarmalka ayaa la sheegay in uu geeriyooday xili uu doonayay in uu dabaal ku galo dalka Britain si uu nolol wanagasan uga helo.

Meydka ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay afartan sano jir ayaa laga helay xeeb kutaala tuulada Zeebrugge ee dalka Biljamka, waxaana ninkan jirkiisa ku xirnaa waxyaabo macmal ah oo uu ugu talagalay in ay ka caawiyaan in uu badda dusheeda ku sabeeyo.

Baaritaano ninkan ku sameeyeen booliiska dalka Biljamka ayey ku aqoonsadeen in uu kasoo jeeda dalka Ciraaq , waxaana ninkan laga qaaday faro sahlay aqoonsigiisa iyadoona la sheegay in Jarmalka u diiday magan galyo.

Gudoomiyaha gobolka West Flanders ee dalka Biljamka Carl Decaluwé , ayaa sheegay in ninkan u muuqdo mid doonayay in uu dabaal ku galo dalka Britain ,isagoo sii mari lahaa dalka Faransiiska sida uu tilmaamay.

“Aad baan uga calool xumaaday. Haddaad aragto dad qarniga 21 doonaya in ay Faransiiska ka dabaashaan oo UK ku tagaan waa arrin waali ah.” Ayuu yiri. Carl Decaluwé oo Warbaahinta la hadlay.

Dad badan oo magangalyo u tagay qaar kamid ah wadamada Yurub ayaa niyad jab la kulmay kadib markii loo diiday in magan galyo la siiyo, waxa ayna dadkaasi isku dayaan in wadamo kale u safraan si ay uga helaan magangalyo iyo nolol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaar oo dhaqaale ku bixiyay Doorashada Guddoonka Aqalka sare

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Kenyaawi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Go’aano kasoo baxay Kulan Mahdi Guuleed la qaatay Guddiga Gaadiidka Xamuulka Ee Dekadda Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade