Maxaad kala socotaa tillaabooyinka uu Farmaajo u qaaday xukun dheereysiga? (Akhriso)

Farmaajo oo ku guul darreystay inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalana awoodi waayay inuu hannaankii doorashadii dadbaneyd ee horay loo tijaabiyay dalka ku dhaqo ayaa iyadoo laba maalin uun ka harsantahay mudda xileedkiisa waxuu si bareer ah uga soo tegay shirkii ka socday Dhuusamareeb.

Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee jirintaanka qarannimada iyo xasiloonida dalku ay laxawga ku heyso iyo beesha caalamka ayey filan waa ku noqotay in madaxweynihii laga sugayay inuu dadka isku raadiyo uu sabab la’aan shirkii oo socda  uga soo tago.

Madaxweynaha Puntiland ayaa ku tilmaamay qorshe uu Farmaajo ku muujinayay inuu sii shaqeyn karo xitaa hadii uu dhamaado waqtiga uu sharciyadda u heystay inuu dalka xukumo. Imaatinkiisii Muqdisho kadib, waxuu isku dayay inuu golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday ay u sameeyaan waqti kordhin, ha yeeshee dadaal si wadajir ah u sameeyeen beesha caalamka iyo saamileyda siyaasadda ayaa lagu fashiliyay qorshahaas.

Xoog ku joojintii dibad-baxyada

Midawga musharrixiinta ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay dareenkooda hannaanka doorashada dalka ku muujiyaan si nabdoon, ha yeeshee ciidanka qaranka ee loo dhisay inay nafta iyo hantida ummadda ay ilaaliyaan, ayaa loo adeegsaday cabburinta bulshada iyo kahor tagga mudaaharaadyada lagu diidanyahay xukun isku dhejinta.

Weerarkii musharrixiinta ee Febaraayo 19, 2021

Laguma siman joojin dibad bax nabadeed oo kali ah, ha yeeshee saq dhexe ayaa la weeraray hoteelka Maa’idda oo deganaayeen madaxweynayaashii hore ee dalka iyo guddoomiyihii hore ee golaha shacabka.

Qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka dhashay, subixii xigayna waxaa hubka fudud iyo kan culus si aan kala sooc laheyn loogu riday dibad baxayaal ay hoggaaminayeen xubna kamid ah midawga musharrixiinta.Weerarada silsiladda ah oo walaac hor leh abuuray ayaa lagu tilmaamay waddo uu Farmaajo u marayay qorshihiisa sii joogista xafiiska dalka looga arrimiyo.

 Janaasadii lagu ceeboobay

Isku day musharrixiinta loogu diidayay inay ilaaladooda la galaan gudaha xeyndaabka garoonka diyaaradaha, ayaa fashilmay maalintii Muqdisho lagu aasayay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed. Dhamaan dhinacyada ka qeyb galay Janaasada ayaa ilaaladooda la tegay goobta janaasada taas oo aheyd qatar inteeda la’eg.

Farmaajo ayaa ku guul darreystay inuu salaamo qof kamid ah dadkii meesha isugu tegay, waxuu awoodi waayay inuu u tacsiyeeyo madaxdii ka horreysay iyo qoyska madaxwynaha, waxuu ku guul darreysay inuu muujiyo dareen mas’uuliyadeed, goobtana waxaa lagu kala tegay iyadaoo lagu tuntay dhamaan dhaqamadii wanaagsanaa ee Soomaalida.

Fara Gelinta Amniga Garoonka

Waxuu isku dayay inuu amniga garoonka diyaaradaha hoos geeyo taliska booliiska gobalka Banaadir si uu khalkal u geliyo amniga madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Jubaland iyo Puntland oo dareen cabsiyeed oo ay ka qaadeen dhacdadii 19ka Feberaay u degay Xalane.

Ciidamo si qasab ah ula wareegay Teendhada Afasiyooni

Iyadoo AMISOM ay soo saartay qoraal ay ku caddeyneyo inay la wareegtay amniga Teendhada Afasiyooni oo la doonayay inuu ka furmo shir dhex mari lahaa madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo dowlad gobaleedyada, ayaa saq dhexe waxaa la wareegay ilaalada madaxtooyada, waxaana fashilmay shirkii sabab la xariirta in la jebiyay mid kamid ah shuruudihii shirku ku qabsoomi lahaa.

Fashilinta Shirar loogu Xallin lahaa caqabadaha doorashada

Waxuu ku guuleystay inaan lagu heshiin kulamo ay lahayeen madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta iyo midawga musharrixiinta iyo kulamo kale oo ay lahaayeen madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada.

Mar kale iyo isku day mudda kordhin

Golaha shacabka ee sharciyaddu ka dhamaatay ayaa ku guul darreystay qabashada kulan la doonayay in si fowda ah looga dhawaaqo mudda kordhin laba sano ah, mudanayaal diiddan xukun dheereysiga ay hor-istaag ku sameeyeen. Mudanayaashii diidmada muujiyay qaarkood ayaa laga mamnuucay kulamada, wadooyinkana ciidamo ayaa looga xirtay.

Dhamaan tilaabooyinkaas uu Farmaajo qaaday ayuu ku doonayay inuu meesha uga saaro heshiis laga gaaro muranka iyo heshiis la’aanta ka jirta qaabka loo wajahayo doorashada qanka iyo in uu xafiiska baaqi kusii ahaado isagoo iska indha tirayadhibaatooyinka siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bini’aadninimo ee ka dhalanaya kursi isku kooleynta.

Hadaba su’aashu waxay tahay ma dhimanyihiin isku dayo kale oo Farmaajo ugu diyaar garoobayo ku nagaanshaha kursiga uu lixdanka maalin sida sharci darrda ah ugu fadhiyo?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -