Dowladii ugu horeesay oo Carab ah oo hirgalisay warshad laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa noqotay dowladii ugu horeesay oo Carab ah oo dalkeeda ka hirgalisa warshad laga dhaliyo tamarta Nukliyeerka, waxaana Imaaraadka mudo sanado ah ka shaqeeneysay sidii warshadan u hirgalin laheyd.

Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktuum oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Imaaraatka, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay warshadan laga dhalinayo tamarta Nukliyeerka.

Waxa uu sheegay Sheekh Maxamed Bin Rashiid in warshadda tamarta Nukliyeerka ee Barakah ay dalkaas ka haqabtiri doonto baahida korontada, waxa uuna sheegay in warshadan noqoneyso tii ugu horeesay oo wadamada carabta laga hirgaliyo.

Dowlada Imaaraadka Carabta oo kamid ah dowladaha ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa hiigsaneysa horumaro badan, waxa ayna Imaaraadka dooneysa in dalkeeda ka hirgaliso mashaariicyo iyo barnaamijyo bulshadeeda wax tar u leh mustaqbalka fog.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -