Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqortooyada Sacuudiga oo go’aan cusub kasoo saartay Cumrada Ramadaanka

Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka COVID-19 loo ogolaan doono Cumrada, laga billaabo bisha Ramadan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday.

Dadkaas kaliya ayaa loo ogolaan doonaa inay gutaan Cumrada ama ay salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH.

Wasaaradda ayaa sheegtay in siyaasaddan ay dhaqan-geli doonto bisha Ramadan ee billaabaneysa bartamaha April, hase yeeshee ma cadda inta ay socon doonto. Sidoo kale ma cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii Boqor Salmaan uu bishii tagtay beddelay wasiirka Xajka, wax kayar hal sano kadib markii Sacuudia Carabiya ay marti-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dadka ka qeyb-galay Xajka.

Mohammad Benten ayaa waxaa lagu beddelay Essam bin Saeed, sida ku cad digreeto Boqortooyo oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Xajkii 2020 ayaa waxaa ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yar ka qeyb-galayaashii 2019 oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid dunida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tababaraha PSG iyo Wiilkiisa oo loo xiray su’aalo la xiriira takoor iyo Islaam naceyb

Cabdi Cade

Yahuuda oo xaafad Cusub oo iyaga u gaar ah ka dhisaneysa dalka Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Islaan 90-sanno jir ah oo Shan maalin kaddib laga helay bur burka dhisomo dhul gariir ku dumay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---