Allbanaadir.com
NEWS

Tababaraha PSG iyo Wiilkiisa oo loo xiray su’aalo la xiriira takoor iyo Islaam naceyb

Tababaraha kooxda Paris Saint Germain Christophe Galtier ayaa u xiran su’aalo la weydiinayo isaga iyo wiilkiisa, taasi oo qeyb ka ah baaritaan la xiriira takoor lagu tuhunsan yahay, waxaa sidaas wakaaladda wararka ee AFP u sheegay dacwad-oogaha Nice.

Tallaabadan ayaa daba socota baaritaan la billaabay bishii April, kadib markii la sheegay inuu cunsuriyeyn iyo Islaam naceyb ah la beegsaday cayaartoyda qaarkood markii uu ahaa macallinka kooxda Nice, xillki cayaareedkii 2021/2022.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay inay akhbaar dheeri ah oo la xiriirta xariga Galtier iyo wiilkiisa John Valovic-Galtier — oo ah wakiil cayaartoy — ay ku bixin doonaan bayaan ay soo saari doonaan goor dambe oo maanta ah.

Galtier ayaa la filayaa inay eryaan milkiilayaasha u dhashay Qatar ee kooxda PSG kadib xilli cayaareed aad u liitay oo kooxda PSG laga badiyey 10 jeer sanadkan 2023 gudhiisa, islamarkaana wareegga 16-ka looga soo reebay Koobka Horyaallada Yurub.

Eedaha ka dhanka ah Galtier ayaa markii hore kasoo shaac baxay warbaahinta Faransiiska bishii April.

Warbixinada, oo aysan xaqiijin AFP, ayaa tuhumaya in agaasimihii cayaaraha kooxda Nice Julien Fournier uu dhammaadkii xilli cayaareedka 2021/22 qoray email uu ku sheegay in Galtier uu hadallo takoor ah ka yiri qaar ka mid ah cayaaryahannada Nice.

“Wuxuu [Galtier] ii sheegay inaan xisaabta ku darsado xaqiiqda magaalada, oo aysan kooxda ku badan cayaaryahannada madow iyo kuwa Muslim-ka ah,” ayuu sheegay Fournier, oo xiriirkiisa Galtier uu ahaa mid aan wanaagsaneyn.

“Wuxuu ii sheegay inuu doonayey inuu si weyn u beddelo muuqaalka kooxda, oo uu xaddido tirada cayaaryahannaha Muslim-ka ah.”

Galtier ayaa sheegay inuu “aad uga naxay sheegashadan” wuuna beeniyey eedeymaha.

Source Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika

Caydiid Ali

Shacabka magaalada Muqdisho oo cabsi iyo niyad jab lasoo daristay

Cabdi Cade

Saddex ka tirsan Saraakiisha Al-shabaab oo howlgal lagu soo qabtay (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---