Allbanaadir.com
NEWS

Islaan 90-sanno jir ah oo Shan maalin kaddib laga helay bur burka dhisomo dhul gariir ku dumay

Dalka Japan waxaa ka dhacay dhul-gariir galaaftay nolosha dad badan , waxaa sidoo kale dhul-gariirkaasi oo cabirkiisu ahaa 7.5 ku bur buray dhismayaal iyo waddooyin badan oo dalkaasi muhiim u ahaa.

Kooxaha gurmadka ku howlan ayaa wali baadigoobaya dad nolol iyo geeri lagu layahay, kuwaa oo laga hoos raadinayo dhismayaal dumay , waxaana kooxaha heleen dad nool iyo waliba dad dhintay.

Haweeney 90-sanno jir ah iyo haweeney kale ayaa muddo shan maalin kaddib laga dhax helay bur burka dhismayaal ku dumay dhul-gariirka, waxaana yareed xilliga haweenkan la helayay in la helo dad nool.

Dhul-gariirka ku dhuftay dalka Japan qeybo kamid ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 120 qof , halka 200 oo kale lagu la’yahay, waxaana yar rejada laga qabo in la helo dadka wali nolosha lagu waayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

ICPAC oo ka digtay mashaqo ku soo wajahan Somalia

Caydiid Ali

Khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Turkiga iyo Imaaraatka oo weji cusub yeeshay

admin

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu weeraray Maqaayad kutaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---