Yahuuda oo xaafad Cusub oo iyaga u gaar ah ka dhisaneysa dalka Imaaraadka Carabta

Yahuuda kunool dalka Imaaraadka Carabta ayaa wada qorshe cusub ay ku doonayaan in ay ku dhistaan xaafad cusub oo u gaar ah dadka Yahuuda, xaafadan ayaana loo dhameestirayaa adeegyada aas aasiga ah hadii loo ogolaado.

Madaxa sare ee golaha Yuhuuda ee Imaaraatka, Elie Ebadi, ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu dhisayo xaafadii ugu horaysay ee Yuhuudda gaar u ah,  oo laga hirgelinayo gudaha Imaaraadka Carabta.

“Xaafadda la dhisi doona ayaa waxay ka koobnaan doontaa suugyo, guryo, iskuulo, xarun bulsho iyo hoteello, xaafadda ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo dalalka Khaliijka, iyo dalalka Carabta.” ayaa  yiri Elie Ebadi.

Dalka Imaaraadka gudihiisa iyo waddamada Khaliijka Carabta ayaa dood badan ka abuuray qorshahan Yahuuda ku dooneyso in xaafad iyaga u gaar ah uga dhistaan waddamada Carabta gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta.

Dadka Carabta ayaa intooda badan kasoo horjeestay qorshahan cusub ee Yahuuda wadaan, waxa ayna tilmaameen in uu yahay mid ay ku doonayaan in ay isku ballaariyaan wadamada Carabta si ay saameyn xooggan mustaqbalka ugu yeeshaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -