Xildhibaan Muslim ah oo Dacwad ka gudbiyay Macbad la sheegay in loogu gefay Diinta Islaamka

Xildhibaan muslim ah oo katirsan Baarlamaanka dalka Hindiya ayaa dacwad ka gudbiyay Macbad kuyaala dalkaasi oo la sheegay in loogu gefay diinta islaamka gaar ahaan Nabi Muxamed NNKH.

Amanatullah Khan oo katirsan Baarlamaanka Hindiya ayaa ku eedeeyay macbadka kuyaala Hindiya in uu u gefay diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed NNKH , waxa uuna sidoo kale macbadka ku eedeeyay in uu abuurayo naceyb iyo khalalaase.

Xildhibaanka ayaa sheegay in muuqaalka laga soo duubay baadariga maamulo macbadka oo ku baahay baraha bulshada abuuray caro badan, waxa uuna sheegay in uusan marnaba u dulqaadan karin in diinta islaamka iyo Nabi Maxamed NNKH loo gefo.

Afhayeen u hadlay booliska magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya ayaa sheegay in dacwadda ay diiwaangeliyeen isla markaana ay bilaabeen baaritaanno ku saabsan eedeynta macbadka loo soo jeediyay.

Muslimiinta kunool dalka Hindiya ayaana si weyn uga falceliyay macbadka la sheegay in diinta islaamka u gefay, waxaana Muslimiinta ku baaqayeen in dowlada talaabno ka qaaday macbadka iyo kuwa maamula.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -