Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xeer Ilaalinta Qaranka oo war ka soo saartay dacwadii loo heystay C/rashiid Janan

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan).

C/rashiid Janan ayaa loo heystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kaasoo horay Xeer Ilaalinta ugu soo oogtay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan.

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) oo horey uga baxsaday xabsi guri uu ugu jiray dowlada ayaa dhowaan heshiis la galay DF oo muddo ay iskaga soo horjeedeen degmada Belad-xaawo, waxaana uu haatan ku sugan yahay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Aabbe waayeel ah oo dil argagax leh ka geestay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Xubnaha Aqalka sare ku matela (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa sababay xilka qaadista deg dega ah ee Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska RW?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---