Wadahadalo u dhexeeyey dowlada Kenya & Mucaaradka oo burburay & cabsi laga qabo..

Waxaa lagu kala tagay Wadahadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya mucaaradka Kenya iyo dowladda madaxweyne William Ruto ka dib markii la isku fahmi waayey qodobadii laga wada hadlay.

Sida wararka qaar sheegayaan hakad ayaa la geliyay wadahadalka muddo aan la cayimin, sida uu sheegay madaxa wadahadalladaasi.

Otiende Amollo, oo ah guddoomiyaha wadahadallada labada dhinac  ayaa xusay in Wadahadallada la joojiyey ka dib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay buuxiso dalabaadka mucaaradka

Mucaaradka ee uu hogaamiyo hoggaamiyaha rug cadaaga Raila Odinga ayaa bilihii la soo dhaafay khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay dowlada uu hogaamiyo Ruto

Odinga ayaa hor kacayay mudaaharaadyo toddobaadkiiba laba jeer socday oo bilaabmay bishii March kaasoo lagaga cabanayay qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin lagu eedeeyay doorashadii sannadkii hore.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ayaa la hakiyay horraantii bishan kadib markii isbaheysiga mucaaradka ay sheegeen in isbaheysiga talada haya ay oggolaadeen wadahadal, waxaana laga cabsi qabaa iney u bilaabmaan dibed baxyadii mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -