Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

 Trump oo si adag uga hadlay Bayaankii Sacuudiga kasoo saareen dilka Jamal Khashoggi 

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneyn bayaankii kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ee looga hadlay qaabkii uu u dhintay Wariye Jamal Khashoggi .

Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump in  uusan ku qanacsaneyn bayaanka kasoo baxay Sacuudiga inta laga helayo xaqiiqo kale oo cad oo ku aadan sida uu u dhacay dilka Wariyaha Mucaaradka ku ahaa Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in suurto gal tahay in dilka Wariye Jamal Khashoggi uusan ka war ka heyn Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo aad loo tuhmayo in uu wax ka ogaa.

Trump ayaa xusay in suurto gal tahay in Sacuudiga kusoo rogaan cunaqaateyn dhinaca hubka ah hadii uu falkan ku cadaado, waxa uuna cadeeyay cunaqabateyn Sacuudiga la saaro dhibaato weyn u horseedeyso Mareykanka in ka badan tan Sacuudiga gaareysa.

Dowlada Mareykanka ayaa horey u shaacisay in cawaaqib xun la kulmi doonto Sacuudiga  hadii la xaqiijiyo in ay ka dambeeyeen dilka Wariye Jamal Khasoggi oo lagu ka dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbiul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo shaacisay Natiijada Imtixaanka dugsiyada Sare

Caydiid Ali

Xildhibaanada Galmudug oo qorshe culus damacsan iyo shirar hooe oo socda

Cabdi Cade

Qarax weyn oo lala beegsaday Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---