Haabiil Axmed Cabdullaahi oo lagu dilay Canada iyo Hubkii lagu dilay oo la helay

Magaalasa Toronto ee caasimada dalka Canada waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Haabiil Axmed Cabdullaahi Xasan oo ahaa 21 sano jir Somali-Canadian ahaa.

War kasoo baxay booliiska magaalada Toronto ayaa lagu sheegay marxuumka la dilay iyo qof kale oo la socday rasaas lagu furay xili ay wadada marayeen, waxaana rasaastaasi ku dhintay Haabiil halka qofkii la socday ku dhaawacmay.

Falkan  dilka iyo dhaawaca ah ee loo geestay muwaadidiinta Soomaaliyeed ayaa looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen labo nin dhalinyaro madow ah kuwaa oo la helay gaarigii ay wateen iyo qoryihii ay weerarka u adeegsadeen.

Booliiska Toronto ayaa sheegay in ay heleen Gaariga ay wateen iyo laba bastoolad raga la tuhmayo ,  kadib markii eedeysanayaasha ay shil galeen xilli ay baxsanayeen, sidaasna ay uga carareen gaarigii ay wateen.

Dalka Canada ayaa lagu dilay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaana mararka qaar la sheegaa in dhalinyarada Soomaaliyeed dhaxdooda oo u kala baxaan kooxo gaangistaro ah sidaasna isku dilaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -