Maraykanka oo shaaciyey inuu Al-shabaabkii ugu badnaa ku laayey buuraha Galgala

Mareykanka ayaa sheegay in isagoo fasax ka heysta dowladda federaalka Soomaaliya uu duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay meel 26 mile Koonfur Galbeed kaga toosan  Magaalada Boosaaso ee gobolka bari.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka oo dhacay 2-dii bishan June lagu dilay 27 argagixiso sida ay hadalka loo dhigay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

AFRICOM waxay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo waxa loogu yeero argagixsada.

”Tani waxaa qeyb ka tahay sidii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM looga taageeri lahaa howlgallada ka hortagga argagixisada, iyadoo lana beegsanayo goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -