RW Rooble oo saacadaha soo socda ku wajahan Magaalo kale oo ka tirsan Jubbaland

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka Rooble uu halkaas ku tagayo uu salka ku hayo arrimo la xiriiro doorashada ka dhaceyso Garbahaarey iyo sidii loo sugi lahaa Amniga xarumaha doorashada.

Degmada Garbahaarey waxaa maanta ku sii jeeda wafdi hordhac u ah saraka Ra’isul Wasaaraha si ay uga sii shaqeeyaan soo dhaweynta wafdiga sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Ilaalada gaarka ah ee Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale loo daabulay Magaalada Garbahaarey waxaa sidoo kale halkaas la geynayaa gawaarida aanay rasaastu karin.

Rooble ayaa inta uu joogo halkaas kulamo la yeelan doono siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolkaas, isagoo kala hadlaya, arrimaha dib u heshiisiinta, nabada iyo doorashooyinka.

Garbahaarey ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, iyadoona haatan ay socdaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhex jira dadka dega gobolka iyo maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -