Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

James Swan oo si kulul uga hadlay weeraradii lagu qaaday Aw-dheegle & Bariire

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee taageeraya ayaa fulisay weeraradan oo geystay khasaare baaxad leh ayaana ka dhashay

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameeyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Md. Swan. “Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.”

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada, waxaana lagu soo waramayaa in qasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray talaabada adag ee ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo lagu dhaliilay ka qeyb galka Shirar ka hooseeya maqaamkiisa

Cabdi Cade

Dagaalo caawa ka dhacay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---