Shirkii Madaxda DF iyo Dowlad Goboleedyada oo Maalintii 2aad natiijo la’aan dhamaaday

Shirkii Teendhada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho uga socday madaxda federaalka, kuwa maamul goboleedyada ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad la soo gebagebeeyey natiijo la’aan

Shirkan oo uu hadafkiisu ahaa kalsooni dhisidda madaxda shirka ka qeybgalaysa iyo isla meel dhigida ajendaha shirka wadatashiga doorashada waxaa dibadda ka joogay saxafiyiinta iyadoo madaxda oo kaliya ay albaabadu isu xirteen.

Macluumaad badan lagama hayo shirka u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kala qeybsanaan xoogan ay weli ka dhex taagan tahay madaxda ka qeyb galaysa, ayna jiraan qodobo badan oo la isku mari la yahay.

Afhayeenka maamulka Puntland Jaamacad Deberani ayaa galabta sheegay in shirkii hordhaca ahaa ee u socday Madaxda Soomaaliyeed uu hadda soo dhammaaday, loogana hadlay Ajandaha Shirka Doorashada iyo arrimaha kale ee taagan.

“Waxay ka wada hadleen qodobada muhimka u ah arrimaha doorashada, sida qabsoomida Shirka Doorashada iyo caqabadaha kale ee ku xeeran, Madaxda ayaa Berito soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah waxayna isu soo laaban doonaan talaatada oo ah 06-da April 2021” ayuu yiri afhayeenka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -