Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo soo saartay qeylo-dhaan & baaq deg deg ah

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladaha cudurka dilaaga ah ee Covid-19 oo degaaanada Galmudug si weyn ugu faafay.

Waxaa sare u kacay dadka laga helayo cudurka iyo Waliba dadka u dhimanaaya. waxaana 48 saac ee ugu dambeysay la diiwaan galiyey 111 kiis oo cusub halka 9 qof ay u dhinteen sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug Mahad Caabi Ciise.

Dhamaan deegaanada Galmudug ayaa waxaa  sii badanaaya dadka u dhimanayo cudurka COVID-19 waxaana maalmahan buux-dhaafay qabuurayaasha dadka lagu aaso oo la geeyey dad ka badan kuwii maalin walba la aasi jiray.

“Haddaba Wasaarada Caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug oo gudaneysa waajibaadka ka saaran la tacaalida iyo ka wacyi gelinta cudurkan ee bulshada waxay dadka reer Galmudug ugu baaqeysaa inay taxadar muujiyaaan loona hogaansamo fariimaha ka hortaga cudurkan ee ay bixinaayaan bahda Caafimaadka” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa waxaa looga codsaday hay’adaha kala duwan ee dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn in la joojiyo kulamada tooska ah si looga fogaado inuu sii faafo cudurku, iyadoo sidoo kale Wasaarada Waxbarashada laga codsaday inay kordhiso waqtiga dib loo furayo goobaha Waxbarashada.

Sidoo kale,  kulamada golaha Wasiirsda, Baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee dowlad goboleedka Galmudug in laga fogaado kulamada,, lana isticmaalo habka fogaan arrag ah, waxaana Wasaarada Caafimaadka ka codsaneysaa hay’adaha kale duwan ee dowlada in laga gacansiiyo dadaalka lagula tacaalaayo Covid-19 iyo wacyigalinta qaadashada talaalka cudurka ee dhowaan dalka la keenay.

“Ugu dambeyntii waxaan dadweynaha ugu baaqeynaa inay la xiriiraan goobaha loo asteeyey la tacaalida cududrkan qofkii isku arka calaamadaha Koronaha si wax loogu qabto” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -