Fadeexad kusoo baxday Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble !!

Xoghayaha Ku-Meel-Gaarka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa waxaa kusoo baxay fadeexado waa weyn oo mustaqbalkiisa saameyn kara, hourmarkii la hiigsanayay ee dowladnimadana dhaawici kara.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in Xoghayaha KMG ah oo ka faa’iidaysanayo is-xisaabin la’aanta xafiiska ka jirta, khibrad yarida shaaqalaha asaga la shaqeeya iyo khalifaadka siyaasadeed ee dowladda haysta uu lasoo if-baxay.

  1. Ku takri-falka miisaaniyadda xafiiska si-uu gunnooyin ugu qoro shaqsiyaad gaar ah oo kamida shaqaalaha dawladda ee ay asaga isku dhowyihiin.
  2. Shaqaaleysiinta la-taliyeyaal aan xirfid lahayn oo cuuryaamiyay hawlihii afartii sano ee lasoo dhgaafay xukuumaddu ay wadday.
  3. Tubihii Amniga iyo Caddaalada, Arrimaha Bulshada, Siyaassdda iyo Dhaqaalaha ee XRW uu kala shaqeyn jiray kuna kor-joogtayn jiray wasaaraddaha iyo hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, ayuu dhammaantood hawl-gab ka dhigay taas oo meesha ka saartay waajibaadkii dastuuriga ahaa ee XRW loo igmaday.
  4. Musuq baahsan oo ku salaysan eex, qabyaalad iyo ku tagri-fal xoolo dawleed oo aan qarsoonayn
  5. Ku guul daraysi xiiriirka hay’adaha caalamiga ee Soomaaliya ka taageera barnaamijyada hormarinta dalka
  6. Ku shaqayn nidaam-darro ka hor-imanaysa isku dheellitirnaanta agaasimeyaasha waaxyaha
  7. Waxaa dhamaan Xafiiska ka joogsaday hawlihii lagu caawin jiray ama lagula socoan jiray wax qabadka hay’adaha dowladda, waxuuna eedda wax qabad la’aanta si joogta ah dusha uga tuuraa howl-wadeennadii xafiiska horay u joogay.

Xoghayihii hore ee xafiiska Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa shaqaalaha iyo hay’adaha kala duwan ee sida dhow ula shaqeeya XRW waxa kala kulmeen tacadiyo tirabadan muddadii koobnayd ee uu xilka haayay, waxaana dadka aan la hadalnay ay noo sheegeen in la filayay inuu arrintaas wax badan ka bedeli doono, ha yeeshee uu xaaladda uga sii daray.

Maxamed Ibraahim Nuur ayaa la filayay inuu la yimaado isbedel wax-ku ool ah si loo dar-dar geliyo hawlaha Xafiiska hortebinta u leh sida uu Ra’iisul Wasaare Rooble Baarlamaanka Federaalka ka hor-sheegayay, ha yeeshee ilaha xogtaan nala wadaagay ayaa fadeexadda soo baxday ku saleeyay Xoghayaha KMG ah  oo aanan waligiis Xafiis dowladadeed hore uga soo shaqeyn uu ku jaha wareeray xilka agaasinka ugu sareeya hay’adda fulinta maamulka Dawladda Federaalka (Qod 97aad) ee ah halbowlaha maamul ee dalka.

Xogahaya iyo la-taliyeyaasha qaar kamida ayaa ilaa maalintii la magacaabay deggan Hotel Decale oo qiimihiisu aad u sarayeeyo halka hooyooyin iyo caruur Soomnaaliyeed ay gaajo iyo harraad ugu dhimmanayaan qeyba kamida dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -