Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Haweeney la sheegay iney ka ganacsaneysay shaaha ayaa goor dhow oo caawa fiidnimadii ah lagu dilay agagaarka xarunta Macalin Nuur oo ku taalla degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday kuwaasoo ka baxsaday goobta markii ay geysteen falka dilka ah.

Si rasmi ah looma oga sababta loo dilay haweeneydan iyo cida dambeysa, waxaana dilkeeda ka xumaaday dadka degaanka oo si weyn u garanayey.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta falkan dilka ah uu ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey inklastoo aysan ku guuleysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Dowlad heshay hab ay Diidiimadu kaga gudbi karaan wadada tareennada maraan

Cabdi Cade

Dib u dhiska garoonka Stadium Muqdisho oo heer gebogebo ah maraya (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Muhiim ah oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---