Dib u habeyn xooggan iyo qalabayn lagu sameynayo Ciidanka Booliska Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Max’ed (Xajaar), ayaa sheegay inay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Taliyaha ayaa intaa ku daray inay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo haatan lagu aas-aasayo dalka Algeria ayna u direen Saraakiil.

Wuxuu sheegay Taliyuhu inay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Booliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Taliye Xajaar ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Booliska caalamiga ah ee Interpol, Xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.

S/Gaas Xijaar, ayaa xusay in dhowaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan Xafiis ay ku mideysan yihiin Booliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka Wadamada gobolka Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -