Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo la wareegay Deegaano Al Shabaab heesteen

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa la wareegay deegaano dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Deegaanada ciidanka milatariga Soomaaliya la wareegeen oo lagu magacaabo Sinadhaqo iyo Labi-dulle ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo dhax maray kooxda Al Shabaab iyo ciidamada milatariga.

Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo hogaaminayay ciidanka la wareegay deegaanadan  ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab weerarada iyo falalka amaan daro kasoo abaabuli jireen deegaanadan.

Waxa uuna xusay taliyaha in ciidamada milatariga wali wadaan howlgalka ayna kusii raadjoogaan sida uu tilmaamay dagaalyahanada Al Shabaab ee ka firxaday deegaanada ay kala wareegeen.

Al Shabaab ayaa wali awood badan ku leh gobolka Galgaduud , waxa ayna Al Shabaab maamulaan degmooyin katirsan gobolkaasi iyo deegaano dhoor ah oo dhaca duleedka magaalada Dhuusomareeb oo caasimad u ah maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -