Janaraal Odawaa oo si adag u beeniyay Warar baraha bulshada lagu baahiyay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyay war ku saabsan kolonyo gaadiid ah uu la socday taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed qof shacab ah ku jiireen wado kutaala magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliya general Odowaa Yuusuf Raage ayaa beeniyay in kolonyo uu watay ama la socday ay jiireen dad shacab ah,  waxa uuna waxbo kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay warkan baraha bulshada lagu baahiyay.

Generaal Odowaa, ayaa sheegay in haddii ay jirto gadiid Ciidanka Xoogga leeyahay in uu dhibaateeyey dad shacab ah la baari doono, haddii uu soo baxo dhab ahaanshaha falkaasi, tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cida geeysatay.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay in gaadiid ay leeyihiin ciidanka milatariga Soomaaliya dad shacab ah ku jireen wado kutaala magaalada Muqdisho ayna horey uga dhaqaajiyeen iyaga oon dib u eegin dad gaariga la jiirsiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -