Askari katirsanaa Ciidamadii C/Rashiid Janan ku wareejiyay dowlada oo dil geestay

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in askari katirsanaa ciidamadii uu dhawaan dowlada federaalka ku wareejiyay Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu geestay fal isugu jira dil iyo dhaawac.

Asklarigan oo ku sugnaa xero ciidan oo kutaala degmada Doolow ayaa la sheegay in uu dilay askari kale oo xerada ku sugnaa sidoo kale dhaawacay mid kale, lamana oga sababta keentay in falkaasi dilka ah geesto askariga.

Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana ciidamada dowlada ee gacanta ku haya degmada Doolow wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan askariga dilka geestay.

Ciidamadii dhawaan uu Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland ku wareejiyay dowlada federaalka Soomaaliya oo gaarayay boqolaal askari ayaa lagu xareeyay xeryo ciidan oo kuyaala degmooyinka Doolow iyo Baled Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -