Mahad Salad: “9-ka qof waxay Martiini ugu dhinteen Ogsijiin la’aan markii Korontadu tagtay”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inay dayacaada iyo daryeel la’aan caafimaad ka jirto Isbitaal Martiini ee ay maamusho dowladda Federaalka.

Isbitaalka ayaa dowladu ugu talo gashay in la jiifiyo dadka la ildaran cudurka Coronavirus oo maalinba maalinta ka dambeysay ay sii kordheyso.

Mahad Salaad ayaa sheegay in 9-ka qof ee DF sheegtay iney ku dhinteen isbitaalka ay geeridooda sabab u tahay korontada oo tagtay, taasoo sababtay iney shaqeyn waayaan mashiinadii neefta siinayey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAD

Dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini yaan dusha laga saarin Isbitaalada gaarka loo leeyahay

Wasaarada caafimaadka waxay maanta soo saartay digniin ay u jeedinayso Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalada Magaalada Mogadishu in la geeyo dadka qaba ama uu ku dhacay cudurka Covid 19. Sagaalka qofood ee wasaaradda caafimaadku sheegtay in ay u geeriyoodeen cudurka COVID 19 ee xalay Isbitaal Martiini ku dhintay waxaa la sheegay in neeftu ku dhegtay kadib markii uu shaqeyn waayay mashiinkii oksijiin ka ahaa ee bukaanada neefta siinayey. Sababta mashiinadu u shaqayn waayeen ayaa lagu sheegay in isbitaalka korontadu ka tagtay, ayna ka maqneed muddo saacad ah.

Haddaba su’aashu waxay tahay dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini, sababteedana ay leedahay Wasaarada Caafimaadka ma lagu eedayn karaa Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ehelada dadkoodu xanuunkaan qabaan ay daryeel caafimaad badeen iyaga oo ka cabsi qaba dayacaada iyo daryeel la’aanta ee kajirta Isbitaal Martiini?

Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada in ay xil gaar ah iska saarno badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto.

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -