Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

James Swan oo dalab deg deg ah u diray Madaxda saddex dowlad goboleed

Wakiilka Q/Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada inay degdeg ah u soo dhameystiraan xubnaha ka haray doorashada Senatarada Aqalka Sare, si loogu diyaar garoobo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

James Swan ayaa hadalkan soo saaray ka dib markii uu maanta ka qeyb galay doorashada Aqalka Sare ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland

Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland ayay xubno u dhiman yihiin, marka laga reebo shanta xubnood ee Somaliland oo la filayo in berri la soo dhameystiro.

Beesha caalamka ayaa qadiyaan ka taagan habka gaabiska ah ee ay ku socoto doorashada xubnaha aqalka sare, iyadoo doonaya in deg deg loo dhameystiro si loogu gudbo wejiga labaad ee ah doorashada xubnaha aqalka hoose oo tiradoodu gaareyso 275 xildhibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo: “Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riixriixo, la is colaadiyo, lana qeybsamo”

Caydiid Ali

Dhaqaatiir Qalab casri ah u adeegsanaysa Qaliinada Lafaha iyo Baabasiirka oo Muqdisho la keenay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada oo Diyaaradii ugu horeesay 30-Sano kadib siisay Shahaadada Duulimaadka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---