Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne caan ah oo fagaare ku dhunkaday haweeney & muran ka dhashay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Philippine Rodrigo Duterte ayaa la kulmay dhaleeceyn kaddib markii uu soo muqday isagoo dhunkanaya mid kamid ah shaqaalaha dalkaasi xilli ay socotay munaasabad toos ah.

Duterte oo ka hadlaayay munaasabad dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa goobta ugu yeeray haweeney, wuxuuna ka dhaadhiciyay inay dhunkato.

Goobta uu Duterte ku dhunkaday gabadhaha waxaa hareeyay sawaxan iyo qaylo, waxaana inta badan samaynayay shaqaalaha dalkaasi Philiphine.

Waxaa lagu tilmaamay tallaabada Madaxweynaha arrin aan habboonayn oo waxyeello loogu gaysnaya sumacadda haweenka, sida uu sheegay Gabriela oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka.

Mid kamid ah haweenka uu madaxweyanaha dhunkaday ayaa markii dambe sheegtay inaysan wax dhibaata ah ku jirin arrintaasi lagu sameeyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweyne Duterte lagu eedeeyay inuu sameeyay dabeecad aan wanaasagnayn oo ka dhan haweenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo arrin xasaasi ah kala hadlay dhaqanka gobolka Bakool (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydka RW hore ee Somalia oo goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaleey Yuusuf Jiile oo xalay lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahiino ka soo baxaya

Caydiid Ali