Dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo ku biiray Maamulada federaalka Itoobiya

Afti laga qaaday qowmiyado ku nool degaanka Shucuubta Koonfureed ee dalka Itoobiya ayaa natiijada ka soo baxday waxay muujisey iney u codeeyeen iney sameystaan dowlad deegaan la magac baxay Koonfur Galbeed sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya

Guddiga oo shaaciyey natiijada aftida shacabkaasi laga qaaday ayaa sheegay 96% shacabkii codkooda dhiibtay iney u codeeyeen iney noqdaan deegaan madax bannaan oo ka go’ay Deegaankii Shucuubta Koonfureed ee ay ka tirsanaayeen.

Natiijada Aftida iyo aasaaska dowlad deegaankaasi cusubna waxaa go’aanka ugu dambeeya ka gaaraya golaha federeeshiinka ama aqalka sare uu leeyahay dalkaasi Itoobiya.

Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed la magac baxay ayaa noqonayaa deegaakii labaad ee ku soo biiro qaab dhismeedki dowlada Federaalka tani iyo marki Abiy Axmed uu hoggaanka dalka Itoobiya qabtay.

Sanadkii hore ayey aheyd markii golaha uu meel mariyey dowlad deegaanka Sidaama oo noqday deegaanki 10-aad oo xubin ka ah dowladda Federaalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -