Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Israel oo qarxisay Markab basaas u ahaa Iran oo marayey Badda cas (Daawo Sawirro)

Markab ay leedahay dow Iraan oo marayay xeebaha Badda Cas ee dalka Yemen ayuu qarax qabsaday Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Iran.

Markabka wuxuu ahaa mid looga shakiyay in ciidamada Kacaanka Iiraan ay u adeegsadaan howlo basaasnimo ah.”

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Iran Qarax lala beesgaday markabka Saviz ayaa dhacay talaaladii wax khasaare ahna kama dhalanin, waxaana weli socda baaritaanno ku aadan dhacdadaas.

“Markabka rayidka ah wuxuu saldhiggiisu ahaa halkaas si uu uga hortaggo howlaha burcad badeedda” ayuu yiri sidoo kale afhayeen u hadlay dowladda Iran.

Wargeyska New York Times ayaa ku warramay in Israa’iil ay Mareykanka u sheegtay in ay weerar ku qaaday markabka Saviz.

Wakaaladda wararka ee ka soo baxda Iran ee Tasnim oo soo xiganeysay ilo wareedyo aanan la magac dhabin ayaa ku qortay in qaraxa uu ahaa mid ka dhashay miino lagu rakibay qeyb ka mid ah markabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsatada Kenya ee Jaadka keenta Soomaaliya oo Fariin Xasaasi ah soo diray

Cabdi Cade

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir hore oo tilmaamay in Heshiiska Batroolka Soomaaliya uu noqon karo Qiyaano Qaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---