Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka madaxda dowlada & dowlad goboleedyada (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qeybgaley shirka Gudiga Amniga Qaranka ee ka furmey magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur galbeed .

Madaxweynaha ayaa Khudbadiisa ku sheegey in ay waajib tahay in la fuliyo dhamaan heshiisyadii hore ee shirarkii hore ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyadu isugu imaadeen ee aysan noqonin in maalinkasta aan la xar-xariiqin waraaqo cusub waxa kuqorana aan la fulineynin.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegey inaysan Dowladda federaalku u arag Dowlad goboleedyada xisbi siyaasadeed oo la tartamaya maadaama Dowlad goboleedyadu waxa ay ku doodayaan ay tahay in aan helno xuquuqdanadii dastuuriga ahayd ee dastuurku na siiyey ayuu yiri Madaxweynahu.

Amniga ayuu sheegey inay tahay waajib na wada saaran sidii looga xoreyn lahaa nadadiidka gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegey in gurmad wax ku ool ah lagaarsiiyo dadka ay saameeyeen fatahaadihii ka dhashey roobabka iyo fatahaada wabiga jubba isagoo hoosta ka xariiqay in ay taakulo dag dag ah gaarsiiyeen dadka sida aadka ah ay mashaqadu u saamaysay

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa sheegey in lagu dadaalo in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta siyasadeed ee ka dhaxeysa Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyad taas oo dhabaha u xaari karta in horay loo socdo waxaana uu sheegay in khilaafka joogtada ah uu curyaamiyay dantii Qaranka iyo shaqooyinkii ka muhiimsanaa Siyaasada sida amaanka iyo dib u dhiska wadanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo lagu soo dhoweeyey Koonfurta Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Kulan la qaatay Safiirada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya(Sawirro)

Cabdi Cade

Joe Biden Approves Plan to Redeploy Several Hundred Ground Forces Into Somalia

Caydiid Ali