Allbanaadir.com
NEWS

Oday ka yimid Qurbaha oo isku dal dalay magaalada Muqdisho

Nin oday ah oo la sheegay in uu ka yimid dalka Sweden ayaa xalay isku dal dalay xaafad katirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir , waxaana saakay meydka odaygan laga helay guriga uu degnaa.

Dadka xaafada ayaa saakay kusoo toosay ninkan odayga ah oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano jir oo meyd ah qoortana ay ugu jirto xarig la sheegay in uu isku dal dalay sida dadka xaafada ku warameen.

Lama oga wali sababta keentay ninkan odayga ah ee ka yimid qurbaha in uu is dal dalo, waxaana warar la isla dhax marayo sheegayaan in uu jiray dhibaato dhinaca qoyska ah oo ninkaasi is dilay heesatay.

Dhaqanka is dal dalaada  oo ah mid aan dadka Soomaaliyeed dhaqan u laheyn ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanaya qeybo kamid ah dalka, waxaana dadkan is dila inta badan yihiin kuwa dhibaato lasoo daristo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma doonaysaa in ilmahaagu barto qoraalka iyo akhriska Af Soomaaliga?

Cabdi Cade

Wariye loo heestay in uu dilay Xaaskiisa oo sanado kadib la fasaxay

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in lacag badan ku bixisay fashilinta heesta Waayaha cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---