Aqalka sare oo ka hadlay Heshiiska Farmaajo la sheegay in uu la galayo Eritrea iyo Itoobiya

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar ku aadan in ay socdaan qorshe heshiisyo dhinaca amaanka iyo difaaca ah ay ku gaarayaan Madaxda dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in horey Madaxweyne Farmaajo heshiisyo mugdi ku jiray oo la qariyay ula galay Madaxda Itoobiya iyo Eritrea.

Abshir Bukhaari ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo hada qorsheenayo inuu galo heshiisyo hor leh oo lala garabmarayo goleyaasha dowladeed ee u xilsaaran go’aan ka gaaridda gelidda heshiisyada caalamiga ah .

”Iyada oo hore ay u jireen heshiisyo mugdi ah oo baalmarsan habraaca gelidda heshiisyada dalka, ayuu madaxweynaha xiliguusu dhammaday Maxamed Farmaajo waxa uu qorsheynayaa inuu galo heshiisyo hor leh oo lala garabmarayo goleyaasha dowladeed ee u xilsaaran go’aan ka gaaridda gelidda heshiisyada caalamiga ah. Waxaase ka sii daran in heshiisyadaasi uu la gelayo Eratariya, oo ah dal dadkiisu gacanta ugu jiraan kelitaliye manaxe ah oo doorasho iyo dimoqraadiyadba diidan, iyo Itoobiya oo hoggaankeedu lagu eedeynayo doorasho diidnimo iyo dambiyo dagaal oo ka dhan ah dadkiisa.” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Gudoomiye kuxigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in heshiis kasta oo la galo xilligan u muuqanayo mid leh ujeeddooyin gurracan oo u adeegaya danaha siyaasadeed ee madaxweynaha sharciyadiisii dhammaatay ee Farmaajo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaana beenisay wararkan ku aadan in Farmaajo heshiis difaac iyo mid amni la galayo Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, waxa ayna wararkaasi ku tilmaameen kuwa been abuur ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -