Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo oo saameyn ku yeelanaya Doorashada Koonfur Galbeed

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mooshin xil ka qaadis ah waxa ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, saameynta mooshinkan ayaana noqday mid si weyn loo dareemay.

Shaqooyinka Hay’adaha dowlada ayaa shalay iyo maanta sidii loogu tala galay aan u socon, waxaana Madaxtooyada iyo qaar kamid ah Hoteelada magaalada Muqdisho ka socda shirar iska soo horjeeda.

Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa laga cabsi qabaa in saameyn xoogan ku yeelato doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu wado in 19-ka bishan ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Dowlada Federaalka ayaa waqti badan ku bixineysay doorashada Koonfur Galbeed faragalina la sheegay in ay ku heyso, waxaana durba laga dareemay khilaafka Madaxda dowlada magaalada Baydhabo iyadoona ay yaraatay hadal heynta doorashada.

Musharaxa Dowlada ku taageereyso Doorashada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegay in uu hakiyay olilihii uu xowliga u waday, waxaana saameyn xoogan ku yeelatay khilaafka hada ka taagan Madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashada ayaana laga cabsi qabaa in mar kale dib loo dhigo hadii ay dowlada Federaalka ay dareento in uusan xaalku sameyn, waxaana khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare qeyb ka ah doorashada Koonfur Galbeed oo la isku fahmi waayay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineyda in doorashada kahor istaagto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur halka Gudoomiyaha golaha shacabka isna ku adkeesanyo in Abuu Mansuur doorashada ka qeyb galo.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee dalka hadii aan si deg deg ah xal looga gaarin ayaa laga cabsi qabaa in saameyn aan  wanaagsaneyn ku yeelato siyaasada dalka iyo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -