Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo taageeray Mowqifka uu Midowga Afrika ka qaatay muddo kororsiga DF

Maraykanka ayaa taageeray cambaareyntii uu golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika u jeediyey muddo kororsiga madaxda dowlada Somalia.

Qoraal caawa kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis degdega ka gaaraan Doorashada.

“Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay usbuucii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qeybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Maraykanka ayaa ku boorriyay madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah iskugu raacaan wadahadal iyo qorshe lagu xallinayo xiisadda ka dhalatay doorashada iyo muddo kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxa Telegram oo la xiray iyo Sabbata keentay xarigiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka iyo masuuliyiin kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Somalia oo qoraal ashtako ah u gudbisay danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---