Madaxtooyada Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeeray RW hore

Maamulka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu berri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay inuu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah oo ka dhici doona Itoobiya.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku tilmaamay warkaas mid aan waxba ka jirin oo la been abuuray.

Waxaa uu intaas ku daray in Safarrada shaqo ee Madaxweyne Farmaajo ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta dalka.

Agaasimaha ayaa xusay in madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah.

Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inay Soomaaliya heshiis amni la saxiixanayso dalalka Itoobiya iyo Eritrea, isagoo arrintaasna ka digay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -