Jawaari iyo Muudey oo caawa fariimo iska horjeeda u kala diray Xildhibaanada Baarlamanka

Guddoomiyaha xilka baneynaya ee Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa koowaad C/wali Ibraahim Muudey ayaa caawa fariimo iska soo horjeeda u kala diray xildhibaanada baarlamanka.

Labada nin ayaa ku kala irdhoobay khilaafkii siyaasadeed ee in dhowaaleba ka dhex aloosnaa baarlamanka.

Fariimahan oo dhinaca telefanada loo mariyey xildhibaanada ayaa mida hore waxay ka soo baxday xafiiska Jawaari taasoo ku wargelineysa xildhibaanada iney beri 9:00 Subaxnimo soo xaadiraan kulanka golaha shacabka oo ajendihiisu noqon doono hadal jeedinta Gudoomiyaha.

Balse daqiiqado ka dib waxaa xildhibaanada soo gaaray fariin kale oo ka timid guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka C/wali Muudey taasoo xildhibaanada loogu sheegay in maalinta beri ah uusan jirin wax fadhi ah oo uu yeelanayo golaha shacabka illaa amar dambe.

Guddoomiye Jawaari ayaa horey loo shaaciyey in kulanka beri uu xildhibaanada u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo iscasilaadiisa.

Lama oga sababta Gudoomiye ku-xigeenka baarlamanka C/wali Muudey uu u baajiyey kulanka beri, waxayse u muuqataa inuu ku jiro loolan uu doonayo isaga in looga dambeeyo shaacinta fadhiyada Baarlamanka, maadaama uu guddoomiye Jawaari iscasilay. horeyna uu mooshin uga yaalay.

Xildhibaanada Baarlamanka ayaa ku jahwareersan fariimaha iska horjeeda ee loo kala diray, iyagoo bilaabay iney xiriiro kala duwan la sameeyaan gudoonka baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -